| Doorka Waalidka iyo waxbarashada |
| Monday, 10 September 2012 13:49 |
|
Doorka waalidka soomaaliyeed ee waxbarashada ilmaha Hordhac Maqaalkan waxaan ku soo qaadan doonaa kaalinta waalidka soomaliyeed ee barbaarinta caruurtooda, duruufaha sabaabi kara in hoos u dhac ku yimaado tayada doorka waalidiinta Soomaaliyeed ee waxbarashada caruurtooda. Waxaa kale oo aan ku soo gudbindoonaa talo bixin ku saabsan habka ugu wanaagsan ee waalidka soomaaliyeed kaga qayb qaadan karaan waxbarashada caruurtooda.
Waxaa si gaar ah loogu cadeeyey daarasado kala duwan in ka qayb qaadashada waalidka ee waxbarashada caruurta ay saacidi karto:
Doorka waaalidiinta Soomaaliyeed ee waxbarashada caruurtooda, waxa si faahfaahsan loogu qeexay maansada soo socoto ee uu curiyeey Abwaanka soomaaliyeed ee Maxamed Ibrahim Xadraawi:
Adduunyadu hubaashii Habeen kama baxdeenoo Iftiin lama heleenoo Dayax heego joogoo Xiddig hawd ka lulatoo Haseyeeshe waxaa xusid mudan in baahida loo qabo doorka waalidka ay sare martay kadib markii Soomaalidu u soo hijroodeen dalalka Reer Galbeedka ah oo aad uga duwan Soomalia dhanka; diinta, nooca waxbarashada, (Education system), dhaqanka (culture) iyo luqada (language). Marka laga soo tago welweelka in caruurtu lumiyaan dhaqanka iyo diinta, waxaa sii kordhay mugga hawsha ka dhalatay in waalidiinta ay si joogto ah ula xiriraan dugsiyada (schools) kana qaybqaataan waxbarashada ee caruurta. Baaxada howsha ee korortay waxaa kale oo sii adkeyey durufo kale oo xannibaad ku noqday in waalidka gutaan xilka ka saaran waxbarashada caruurtooda. Durufahaasi waxaa loo kala qaadi karaa kuwa ay waalidiinteena sabab u yihiin iyo kuwo kale. Madaama aysan suurgal ahayn in aan maqaalkan ku soo koobno dhammaan durufaha jira, waxaan halkaan ku soo xusi doonaa inta aan isleeyahay wax waa laga qaban kara haddii meel looga soo wada jeesto: Faham la’aanta waalidiinta nidaamka waxbarashada wadanka: marka laga soo tago dhibatada ka dhalatay aqoon la’aanta luqada Ingiriska, waalidinta soomaaliyeed xilweyn iskama saaraan fahmida nidaamka waxbarashada ee New Zealand (NZ education system) iyo doorka laga rabo waalidka. Waxaa muqaanaysa in waalidiinteena marka lagu daro kuwooda aqoonta u leh luqada ingiriska in aysan xil iska saarin fahmida nidaanka waxbarashada ee wadanka. Isku kalsooni la’aanta waalidka: waalidiinta luqadoodu hooseyso ma aminsana ama kuma kalsoona in ay ilmahooda caawin karaan. Sida badan waxaa laga dhigtaa aqoon la’aanta luqada qiil ay waalidintu faraha ka laabtaan waxbarashada caruurta. Waalidinta qaar waxay xitaa ka gaabiyeen in ay caruurta ku kormeeraan waxbarshadooda marka ay guriga joogaan. Xiriirka waalidka iyo dugsiga oo aad u hooseeya:waxaa muqanayso in waalidka soomaliyeed sida badan aysan xil iska saarin la xiriirka macalimiinta caruurtooda iyo maamulka dugsiga. Sida badan ma xafidno ama kama jawaabno warqadaha wargelinta ama ogesysiska ee ku saabsan shirarka waalidka iyo macalinka (parent/teacher interviews) ee waalidka lagula socodsiinayo heerka waxbarashada ubadkooda. Sidaasi oo kale kuwa ku saabsan doorashada guddiga maamulka ee dugsiga (Board of Trustees elections) iyo shirarka lagu dejinaya qorshaha howlaha muhimka ee dugsiga (strategic planning meetings). Xiriirka waalidkeena iyo caruurta oo aan waanagsanyn:inta badan waalidiinteena kuma dhiirigeliyaan caruurta in ay waalidka la sheekeystaan ama ay ka dhageystaan durufaha la soo gudboonaday. Geediga badan ee qoysaska Soomaaliyeed (transiency):Dugsiyada waxay dhibaato badan kala kulmaan geediga badan ee waalidiinta soomaaliyed iyo iyadoo sida badan aan ku wargelin dugsiyada cinwaanka guriga cusub ee ay degeen si loogu soo hagaajiyo waraqaha. Dhaqanka soomaaliyeed oo aan dhiirigelin in khaladka ilmaha lagu saxo tusaaleyn: Sida badan waalidka soomaaliyeed waxaa dhaqan u ah in la ciqaabo ilmaha marka laga soo gudbiyo warbixin aan farxad gelin waalidka. Tusaale, waxaa sida badan waalidku adeegsadaa ciqaab (corporal punishment) ama canaan culus marka dugsiga ama barayaasha ay soo diraan warbixin aan wanaagsanayn. Arintaani waxay sabab unoqotaa in sida badan caruurta ay ka qariyaan waalidka warbixinada (progress report), natijada imtixaanka (exam results iyo ogeysiska kulanka waalidka iyo barayaasha (parent/teacher meetings). Abaabul la’aanta jaaliyadaha soomaaliyeed: waxaa aad uu liito abaabulka jaaliyadaha soomaaliyeed, sida abuurista xaruumo kor loogu qaado waxbarashada caruurta laguna hormariyo dhaqanka iyo hidaha soomaaliyeed. Si loo daboolo daldaloolada sare lagu xusay waxaa loo soo jeedinaya waalidiinta qodobada hoos ku qoran:
Gunaanad Waxaan maqaalkaan si gaar ah ugu ifinay durufaha horjoogsiga ku ah in waalidka soomaaliyeed ka qaataan waxbarashada caruurta kaalin firfircoon. Inkastoo ay ujeedada maqaalku ahayn in lagu soo bandhigo dhibatooyinka badan ee la soo dersay waalidiinta soomaaliyeed ee kuu nool wadamada reer galbeedka, waxaan dulmar kooban ku sameeynay dhibaatooyinka jira kuwooda aan isleeyhay soomalidu xal waa heli kartaa. Waxaa xusid mudan in xalinta dhiabtada jirta ay u bahantahay in si gooni gooni ah iyo wadajirba ah loo wajaho. Waa in an maanka ku hayno in qofna ama qoysna uu guul kaa gaari Karin waxbarashada caruurtiisa inta mid kamid caruurta kale ee soomaaliyeed uu beylah ama halis uu ku sugan yihiin. Cudur daar:waxaan ka cudur daaranayaa haddii gef loo arko dhaliilaha dhexdeena ee aan kor soo sheegay. Ulama jeedo in waxbarashada ubadka Soomaalidu ku guuldareysatay, balse waxaan door biday oo keli in aan soo gudbiyo waxii daldalolo jira aniga oo dhexda kaga jira waalidinta ay dhibaatahu saameyso si loo tayeeyo waxbarashada ubadkeena. Maclumaadka ku saabsan maqaalkaan waxaa lagala soo xiriiri kara: Hassan Haji Ibrahim University of Canterbury Christchurch, New Zealand Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Ama tifaftiraha joornaalka Somali Graduates Journal Abdirizak Abdi Email: This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it Xigasho Comer, J. and Haynes. N. (1991. Parent Involvement in Schools: An Ecological Approach. The Elementary School Journal VOl.91, Number 3 Epstein, J, (1995). Schools, Professional relationships, partnerships Families and Family Life. Phi Delta Kappan. May 1995. Vol. 76. pg 701-713. Haynes N.M, Comer JP, Hamilton-Lee M. School climate enhancement through parental involvement. J Sch Psychol. 1989;27:87-90 Hornby, G. (2000). Improving Parental Involvement. Cassell. London and New York. Hoover-Dempsey, K., Walker, J., Whetsel, D., Green, C., Wilkins, A and Closson, K. (2005). Why do parents Become Involved? Research Findings and Implications. The elementary School Journal Volume 106, Number 2. Rich, D. (1988). Bridging the parent gap in education reform. Educational
|
